1059 Views

SAWIRO:-Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan

SAWIRO:-Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Taliyaha guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan Korneel faarax Cali Waasuge ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee gobolkaas,iyaga oo ka wada hadlay howlagallada ka socda Gobolkaas.

 

Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan  ay ka bilaabi doonaan howlagallo ka dhan ah Al –Shabaab,isla markaana ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Dhinaca kale Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Axmed Maxamed Calsow (Tareedisho) ayaa dhankiis sheegay in uu socdo qorsha Al-Shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin,waxaana ciidamada uu ugu baaqay inay u diyaar bgaroobaan howlgalkaas.

 

Sidoo kale janeraal Tareedisho ayaa sheegay in ciidamada ay guulo waaweyn kazoo hooyaan dagaal ay dhawaan kula galeen Al-Shabaab tuulooyin hoostaga degmooyinka  Maxaas iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment