303 Views

TV-ga tooska ah oo ay Iraan maamusho oo ay ka soo muuqdeen sawirro aan looga baran

TV-ga tooska ah oo  ay Iraan maamusho oo ay ka soo muuqdeen sawirro aan looga baran
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

 

Wararka ka imaanaya dalka Iran ayaa sheegaya in la jabsaday Telefishinka Iraan, iyadoo warkaasina uu hakiyay dibadbax looga soo horjeedo hogaamiyaha dalkaasi.

Qof Maaskaro xiran ayaa ka soo muuqday shaashadda Telerfeshinka, waxaana ku xigay sawirka hoggaamiyaha sare ee Iraan Cali Khamenei oo hareerihiisa ololayaan.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii ugu yaraan saddex qof la toogtay markii dibad baxayaasha iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, rabshado cusub oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini.

Warka TV-ga ee Sabtidii ayaa la hakiyay abbaaraha 18:00 xilliga maxalliga ah iyadoo sawirro ay ka mid yihiin hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran oo madaxa la beegsaday, sawirrada Ms Amini iyo saddex kale oo haween ah oo lagu dilay mudaaharaadyadii dhawaan halkaasi ka dhacay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post