246 Views

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Xirtay ilaa amar danbe Waddooyinka kala ah; Wadada ka timaada Ceel-buur ee soo gasha dhusamareeb wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar.

Wasaaradda Amniga Galmudug  oo Xirtay ilaa amar danbe Waddooyinka kala ah; Wadada ka timaada Ceel-buur ee soo gasha dhusamareeb wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar.
____________________________________________________________________________

.

 
Talaado: January 17, 2023

Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira amniga magaalada Dhuusamareeb, xilli ay maamulkaasi ka billowdeen dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Awaamiirta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta la xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada dhanka bari ee caasimada Galmudug illaa amar dambe.

Waddooyinka la xiray ayaa kala ah; Wadada aadda ama ka timaada Ceel-buur oo laga xoreeyay cadowga, wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar, sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Wasaaradda amniga Galmudug.

“Waxaa dhamaan la farayaa gaadiidleyda mara wadooyinkaas ina ay u hogaansamaan awaamiirta wasaaradda amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga Galmuudg.

Sidoo kale waxa la faray hay’addaha amniga caasimadda Galmudug u xil-saaran in ay dhaqan-galiyaan waajibaadkooda amniga.

“Sidoo kale waxaa laga codsanayaa dhamaan bulshada caasimada iyo nawaaxigeeda in ay qeyb ka noqdaan amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri warqadan oo uu ku saxiixna wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post