366 Views

Imaaraadka Carabta oo soo saaray amar cusub oo lagu Caawinaayo Soomaaliya

Imaaraadka Carabta oo soo saaray amar cusub oo lagu Caawinaayo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan oo ah guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa amray in la xoojiyo howlgallada lagu caawinayo dadka ay abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Sheikh Hamdan uu taleefonka kula hadlay ergada hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya si ay barnaamijyo bani’aadaminimo uga fuliyaan gobollada ay sida darran u saameysay abaarta.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa ergada Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda. 

“Imaaraadka Carabta wax dadaal ah kalama hari doono caawinta dadka u baahan ee Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyadooda iyo noloshooda,” ayuu yiri.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa illaa hadda ah kan kaliya ee gargaarka soo gaarsiiyey dadka ay abaartu saameysay ee Soomaaliya, ayada oo laba goor ay magaalada Muqdisho yimaadeen diyaarado gargaar sida.

Imaaraadka ayaa gargaarka billaabay kadib markii uu sidaas ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ka raali-geliyey sidii ka baxsaneyd nidaamka diblomaasiyadda ee dowladda federaalka ay ula dhaqantay 2018-kii kadib markii ay garoonka Muqdisho kula wareegtay lacag ay leedahay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post