894 Views

Hindiya oo siisay in ka badan 10 milyan talaalka Covid-19 hal maalin gudaheed markii ugu horreysay

Hindiya oo  siisay in ka badan 10 milyan talaalka Covid-19 hal maalin gudaheed markii ugu horreysay
____________________________________________________________________________

Sabti: August 28, 2021

Hindiya ayaa siisay in ka badan 10 milyan talaalka Covid-19 hal maalin gudaheed markii ugu horreysay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 10 milyan oo qof ay si toos ah talaalka u heleen.

Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa amaanay talaabadan, waxa uuna ku tilmaamay “dhacdo weyn”.

Dowladda ayaa la kulantay dhaleeceyn weyn, kadib markii uu si xun dalkaas u saameeyay cudurka coronavirus bilihii Abriil iyo May oo ay dhinteen in ka badan 200,000 oo qof.

Tirada kiisaska caabuqa carona ee maalinlaha ah ee Hindiya ayaa si aad ah hoos ugu dhacday tan iyo bilihii Abriil iyo May ee sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post