765 Views

Turkiga: Ninka Turkiga ee jallaatada iibiya iyo gabdhaha Soomaalida ah ee u niikiyay

Turkiga: Ninka Turkiga ee jallaatada iibiya iyo gabdhaha Soomaalida ah ee u niikiyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 26, 2022

Tan iyo shalay baraha bulshada Soomaalida waxaa ku baahay qaylo-dhaan ka dhalatay hablo Soomaaliyeed oo la ciyaaraya ganacsade Turki ah oo mid ka mid ah magaalooyinka waddankaas ku gada jallaatada.

Dadka ayaa fikrado kala duwan ka bixinayey habka uu ninkani u xayaysiiyo ganacsigiisa, isagoo ku soo baahiyo bartiisa bulshada hablo meheraddiisa dhexdeeda kula ciyaaraya.

Waa kuma ninkani?

Cilgin Dondurmaci waa shakhsi caan ka ah warbaahinta bulshada, kaas oo lagu yaqaan qoob ka ciyaarka heesaha iyo jallaatada macaan ee lagu iibiiyo Hatay Antalya, Turkiga. Si isaga u gaar ah ayuuna u soo bandhigaa ganacsigiisa iyo macaamiisha faraxsan ee agtiisa ku ciyaaraya taas oo keentay in meelo badan oo adduunka ah laga barto.

Cilgin Dondurmaci waxa uu ku dhashay 1982 magaalada Hatay Antakya ee dalka Turkiga. Magaciisa dhabta ah waa Mehmet Dinc. Waxa uu lahaa nolol hore oo oo aan sidaa hodan u ahayn, isaga oo ka soo shaqeeyay Qubrus markii uu ahaa 16 jir.

Mehmet wuxuu xiisayn jirey qoob ka ciyaarka ama jaaska yaraantiisii isaga oo ka soo bilaabay markii uu joogay Qubrus laakiin ma helin caannimo ku filan wakhtigaas. Maanta se waxa uu caan ka yahay adduunka dhan isaga oo barahiisa bulshada ay xidhan yihiin dad kor u dhaafaya labaatameeyo milyan.

Mehmet wuxuu xiisayn jirey qoob ka ciyaarka ama jaaska yaraantiisii isaga oo ka soo bilaabay markii uu joogay Qubrus laakiin ma helin caannimo ku filan wakhtigaas. Maanta se waxa uu caan ka yahay adduunka dhan isaga oo barahiisa bulshada ay xidhan yihiin dad kor u dhaafaya labaatameeyo milyan.

Waxaa la sheegaa in 2005-tii u bilaabay ganacsigiisa uu ku iibiyo jallaatada, isaga oo dadka tirada badan ku soo jiitay dabeecaddiisa furfuran iyo goobtiisa isu beddesha goob farxadeed oo lagu ciyaaro.

Muuqaallada caan baxay ee goobtiiisa waxaa ka mid muuqaal ay koox tiro badan ku ciyaaraan heesta uu ku caan baxay iyaga oo ku sugan goobtiisa uu ku gado jallaatada horteeda.

Heesta “Kalbimsin” oo ah heesta ay had iyo jeer dadku ku ciyaaraan waxaa qaadaya Çılgın laftiisa, waxaana ku daawaday bartiisa Youtube-ka dad kor u dhaafaya 25 milyan.

Maxaa dhaliyey hadal haynta Soomaalida dhexdeeda?

Waxaa baraha bulshada Soomaalida ku baahay muuqaal hablo Soomaaliyeed la ciyaarayaan ninkan, taas oo dad badan ka cadhaysiisay abuurtayna dood ku aaddan arrintan.

Dadka qaar ayaa ku doodayey in dhaqan xumo ay tahay in inan Soomaaliyeed goob fagaare nin ajnabi ah sidan ula ciyaarto. Waxaana dadkaa ka mid ah fannaan digriyow oo bartiisa Baraha Bulshada ku sheegay in “Gabadhaha Soomaalida ee laamiyada Turkiga niikada la taagan jallaato darteed miyaa? Sidaasi si ma ahan ee ha laysu dhaamo hablow,” ayuu bartiisa Facebook ku baahiyey Digriyow Cabdi.

Dhanka kale dadka qaba doodda tan ka soo horjeedda ayaa ku doodaya in xorriyadda qof kasta isagu leeyahay isaga cidda uu dono la ciyaari kara, hawlo ciyaarta hablahaas ka muhiimsanna ay Soomaalida u taal.

“Gabdhahan waa gabdho waaweyn beer aan leennahayna kuma jiraan, Soomaalinimada iyo dhaqankuna maaha wax la kala xigo ama lagaa xigo, dambi haddeey gashayna dhinaca la cadaabaayo ma lihid, ceeb haddeey sameysana sharafteeda iyadaa leh.” ayuu ku soo qoray Bisle Hassan oo ka mid ah dadka baraha bulshada wax ku qora.

Hab ganacsiyeedka ninkan ayaa ka mid ah hababka wax loo xayaysiiyo, habkaas oo aad bulshada dhex marinayso ganacsigaaga. Waana hab hal-abuurnimo ah oo ka caan baxay dalka Turkiga, taas oo ganacsatada jallaatadu ay muuqaallo xayaysiis u noqda ka duubaan qaar ka mid ah macaamiishooda.

Dadka qoobka ciyaarka la sameeya ninkan ma ahaa uun Soomaali waxaa sida oo kale ka mid ah dad kale oo kala duwan oo kala yimi daafaha dunida.

Magaalada Antakya oo ganacsiga ninkani ku yaal ayaa ah magaalo dalxiis oo ay dad badan oo kala duwan u soo dalxiis tagaan, halkaas oo ay sida oo kalena booqdaan goobtan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post