342 Views

Dowlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Heshiiska Dhawaan ay Gaareen Dowlada Soomaaliya Iyo Kenya

Dowlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Heshiiska Dhawaan ay Gaareen Dowlada Soomaaliya Iyo Kenya
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay heshiiska cusub ee ay Jimcihii lasoo dhaafay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib wadahadallo ay madaxda labada dal ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweeynayaan heshiiskaasi.

Mareykanka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada ay qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta, taas oo lagu hagaajinayo xiriirka labada wadan.

“Waa wax lagu farxo warka sheegaya in wadamada Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xiriirkooda laba geesoodka ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Mareykanka ayaa saaxib dhow la ah labada dal ee Soomaaliya & Kenya waxayna ka caawisaa dhinac howlgallada milatari, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo heshiis ka kooban 11 qodob ay gaareen Muqdisho iyo Nairobi, waxaana ugu muhiimsan dib u fasaxida qaadka iyo fududeynta dal ku galka.

Si kastaba, arrimahaan oo idil ayaa ku beegmaya, xilli Soomaaliya uu ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib 15 May oo xilka madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post