321 Views

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan Moqtada Sadr oo gudaha u galay Aagga Cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo ee magaalada Baghdad

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan Moqtada Sadr oo gudaha u galay Aagga Cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo ee magaalada Baghdad
____________________________________________________________________________

Sabti: July 30, 2022

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan Moqtada Sadr ayaa gudaha u galay Aagga Cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo ee magaalada Baghdad iyagoo la wareegay xarunta baarlamaanka ee Ciraaq taasi oo kaga sii dareysa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaasi.

Waa markii labaad ee maalmo gudahood ah ee ay taageerayaasha Muqtada Sadr si qasab ah gudaha ugu galeen xarunta sharci-dejinta dalkaasi.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamin jiray maleyshiyaad dagaal la galay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Ciraaq ayaa waxa ay hadda ka soo horjeedaan ku dhawaaqistii Maxamed Al-Suudaani oo kutlada u janjeerta dhinaca Iran ay dhowaan u xusheen in uu noqdo ra’iisulwasaaraha.

Bannaanbaxayaasha ayaa lulay calamada Ciraaq iyo sawirada wadaadka markii ay qabsadeen xarunta baarlamaanka.

Waxa ay buux dhaafiyeen xarunta baarlamaanka oo qaarkood waxa ay ku fadhiisteen kuraastii xildhibaannada, kuwana ay telefoonadooda ku duubayeen muuqaallo ku saabsan tallaabada ay qaadeen.

Waxa ay tani dhacday ka dib markii kummanaan mudaaharaadayaal ah ay isugu soo baxeen dhammaadka buundada aadda dhinaca Aagga Cagaaran, waxaana daraasiin dibadbaxayaasha ka mid ah ay dhulka dhigeen dhagxaantii difaaca aagga lagu ilaalinayay iyagoo markaas ka dibna ay gudaha u galeen sida uu wariye sawirqaade ka tirsan AFP.

Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay dibadbaxayaasha meel u dhow illinka laga galo Aagga Cagaaran, oo ay deggan yihiin safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda iyo sidoo kale baarlamaanka.

Garabka Sadr ayaa doorashadii bishii Oktoobar waxa ay ku guuleysteen xubnaha ugu badan ee baarlamaanka, laakiin weli taasi waxa ay ka yareyd aqlabiyadda ay xukuumad ku dhisi karaan. Toban bilood ka dib doorashada ayuu wali taagan yahay ismari-waaga la xiriira dhismaha dowlad cusub.

Bannaanbaxa Sabtida maanta ah ayaa yimid ka dib markii dad badan oo taageerayaasha Sadr ah ay Arbacadii gudaha u galeen Aagga Cagaaran.

Waxa ay ka bexeen laba saacadood ka dib, laakin waa markii uu sidaasi u sheegay Moqtada Sadr.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post