57 Views

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS oo bahda Saxaafadda la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Raadiyaha

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS oo bahda Saxaafadda la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Raadiyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa bahda Saxaafadda Soomaaliyeed la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Radiyaha Adduunka.

Mudane, Ducaale ayaa sheegay in 13-ka February ay tahay maalin ku weyn warbaahinta caalamka gaar ahaan bahda raadiyaha, wuxuuna xusay in Idaacaduhu ay yihiin waxyaabaha ugu faca weyn ee bulshada lagu gaarsiin jiray wararka.

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in uu Raadiyuhu yahay kan ugu faca weyn isgaarsiinta caalamka ee lagu gaarsiin jiray bulshada farriimaha kala duwan.

Radio Hargeysa oo la furay 1943-kii iyo Radio Muqdisho isna la unkay 1951-kii ayuu sheegay Agaasimuhu in ay door muhiim ah kasoo qaateen halgankii lagula dagaallamayay gumeystayaashii reer Yurub, wuxuuna intaa raaciyay in isbeddelka ku yimid warbaahintu anay saamayn weyn ku yeelan dhageysiga Idaacadaha, gaar ahaan dadka ku dhaqan dhulka miyiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post