1008 Views

Ciidanka Kenya oo xirey Nin ka digey Weeraro dhici kara

Ciidanka Kenya oo xirey Nin ka digey Weeraro dhici kara
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen Nin dhawaan Bartiisa Facebook ku soo qoray digiin ku saabsan inay weeraro culus ka dhici karaan Kuleej wax lagu barto oo ku yaalla deegaanka Bomed ee ismaamul Goboleedka Nakuru.

 

Ninkaan oo lagu Magacaabo Timothy Koech ayaa Boolisku sheegeen in uu ka digey weeraro ay dhici karto inay Al-Shabaab fuliyaan,isla markaana haatan ay gacanta ku hayaan baaritaana uu ku socdo.

 

Laanta dambi baarista deegaanka Bomed ayaa qoraal ay ku daabaceen Bartooda twitter-ka waxaa ay ku sheegeen in Ninkaan uu sidoo kale lahaa Magac kale oo ah Joseph langat,hayeeshee Bartiisa Facebook uu ku cadeeyey in uu yahay Soomaali.

 

“Magaceyga dhabta ah ma ahan Timothy Koech balse,keyga dhabta ah waa Maxamed,waxaana kasoo jeedaa Soomaaliya,dadka Kenyanka ah dhaqso ayay wax iloobaan,waxaan Gaarisa ku dilney 68 arday,weerarkaana waxaa ku dhiman kara in ka badan ayuu qoraalkiisa sii raaciyey.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay n Rag badan oo hubeysan kana tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka laga soo xirey ee Rongai,waxaana Booliska Kenya saraakiil u hadashay ay sheegeen in dhawaan Maxkamad la horgeyn doono.

 

Kenya ayaa xilligaan waxaa ay ka feejigan tahay weeraro Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku fuliyaan Gudaha dalkaas,waxaana Xabsiga ay dhigeen dd farabadan oo qaarkood Kenyan ah,kuwaas oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment