807 Views

Sidee ayay warbaahinta dunida u tebineysaa doorashada Mareykanka

Sidee ayay warbaahinta dunida u tebineysaa doorashada Mareykanka
____________________________________________________________________________

?

Suurtogalnimada ah rabshado ka dhaca Mareykanka, sababo la xiriira doorashada aan weli kala caddeyn, ayaa saldhig u ah tebinta warbaahinta dhowr dal. Meelaha qaar, waxaa arrintan looga gol leeyahay in lagu wiiqo Mareykanka.

Raadiyaha dowladda ee Iiraan ayaa soo tebiyay rabshado ka dhacay Los Angeles, Seattle iyo Minneapolis, waxayna hadalka u dhigeen in dibadbaxayaashu “ay hubeysan yihiin oo aysan ka baqeyn booliiska”.

“Rabshado, hub. Waa wax aalaaba lagu yaqaanno doorashooyinka dalalka soo koraya,” ayuu yiri qof faallo ku qoray wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha. “Wax ka dhacaya doorashada Mareykanka waa wax aynaan marnaba sawiran inay ka dhici doonaan dalkan ‘Astaana u ah Xorriyadda’.”

Gudaha Ruushka, telefishinnada dalkaas ayaa sidoo kale soo bandhigaya sawirrada iyo muuqaallada isku dhaca dibadbaxayaasha iyo booliiska ee magaalada New York iyo magaalooyin kale.

Dad badan oo wax falanqeeya ayaa qaba in natiijada ka soo baxda doorashada ay sii kala qeybin doonto Mareykanka.

Waxaa sidoo kale jira aragti ah sida rabshado dhaca iyo arrimo kaleba ay u wiiqi karaan dimquraaddiyadda Mareykanka.

Ceebta Ameerika” waa cinwaanka wargeyska Standard ee dalka Kenya ka soo baxa, waxaana sawir looga dhigay ciidamada Mareykanka oo qoryo ku dhex wata waddooyinka.

Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale tebinteeda ku dartay “rabshado” xilli ay socoto tirinta codadka.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sameynayaa sheegashooyin aan caddeyn loo heyn wuxuuna sheeganayaan inuu doorashada ku guuleystay,” ayuu yiri Allgemeine Zeitung oo faallo ku qora wargeyska Frankfurter ee dalka Jarmalka.

Mareykankan “wuxuu cagta saaray xasaraddii ugu weyneyd ee dowlad iyo siyaasad ahaan tan iyo intii uu Richard Nixon is casilay”, ayaa lagu yiri wargeyskaEl Mundo ee dalka Spain.

Sawir-gacmeed lagu daabacay barta Daily Maverick ee dalka Koofur Afrika wuxuu tusinayaa Donald Trump oo toorrey ku haya taallada xornimada oo ay la socoto hanjabaad.

Waxaa sidoo kale jira warbaahinta qaar oo tebinaya in Joe Biden uu ku horreeyo codadka, iyo waxa ay taas ka dhigan tahay.

Gudaha Afghanistan, wargeyska Rah-e Madaneyat ayaa is weydiinaya su`aasha ah: “Guusha Trump ma waxay ka dhigan tahay guusha Taliban? Guusha Biden-se ma waxay ka dhigan tahay sii socoshada jamhuuriyadnimada Afghanistan?”

Nin faallo ku qoray barta telefishinka Al-Mayadeen ee dowladda Iiraan taageera ayaa sheegay in dalalka Gacanka ay isha ku hayaa in “bisha malabka ee Trump” ay sii socon doonto iyo in kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post