951 Views

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti oo dalka dib loogu soo celiyay

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti oo dalka dib loogu soo celiyay
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti  dib loogu soo celiyay Muqdisho, waxayna ka soo Dageen  garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Boliiska Soomaaliyeed oo mudo 3 -bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri -ga Taliyaaniga oo ah ciidan inta badan fuliya waajibaadka booliska gudaha, waana mid ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee sharci fulinta Talyaaniga, waxay ciidankaasi had iyo jeer gacan siiyaan dhismaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.

Soo laabashada Ciidankaan ayaa laga rajeynayaa inay qeyb ka noqodaan, howlgalada sugida Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post