636 Views

Rayaan oo ah wiilka yar ee godka ku dhacay isla markaana u dhashay dalka Morocco oo qabsaday baraha bulshada dalkiisa iyo guudahaan caalamka.

Rayaan oo ah wiilka yar ee godka ku dhacay isla markaana u dhashay dalka Morocco oo  qabsaday baraha bulshada dalkiisa iyo guudahaan caalamka.
____________________________________________________________________________

Sabti: February 5, 2022


Rayaan oo ah wiilka yar ee godka ku dhacay isla markaana u dhashay dalka Morocco ayaa qabsaday baraha bulshada dalkiisa iyo guudahaan caalamka.

Waxaa baraha bulshada lagu daabacay ducooyin iyo fariimo loo dirayo wiilkaas in Alle uu badbaadiyo kana soo saaro ceelka. Fariimaha iyo qoraallada kale ee aadka u qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqanayay sida ay dadku uga damqadeen wiilkaa yar ee godka dheer ku dhacay.

Qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka aadka uga naxay xaaladda qabsatay Rayaan oo muddo afar maalin ah ceelka ku jira ku jira hase yeeshee hadda lagu dhowyahay in laga soo saaro.

Qoraallada lagu baahiyay baraha Internedka ayaa inta badan dadku waxay is waydiinayaan su’aallo la xiriira sida uu ku noolyahay wiilkaan oo mudoo ku dhow shan maalmood godka ku jira maadama uusan waxna cunin waxna cabin lagana yaabo inuu godku kululyahay maadama uu aad udheeryahay.

Sawirkiisa iyo cagaf-cagfyada lagu godayo godka uu ka dhacay Rayaan ayaa aad loo isticmaalay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post