969 Views

Taalibaan oo hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay u sheegtay in dalka ay ku soo laabtaan dadkii ka cararay Afghaanistaan

Taalibaan oo  hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay u sheegtay in dalka ay  ku soo laabtaan dadkii  ka cararay Afghaanistaan
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

 Wasiirka arimaha dibadda ee Taalibaan ay u magacawday Afghaanistan, Amir Khan Mottaki, ayaa la sheegay inuu u sheegay madaxa hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, in kuwa ka cararay Afghaanistaan ay tahay in lagu dhiirrigeliyo inay dalkooda ku laabtaan.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in mudnaanta dowladda cusub ay tahay sidii loo hubin lahaa in dadka hadda ku barakacay gudaha dalka ay guryahooda ku noqdaan, ka hor inta uusan bilaaban xilliga jiilaalka.

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii saraakiisha Qaramada Midoobay ay ka digeen in tirada dadka reer Afgaanistaan​​ee ka cararaya guryahooda – iyo tirada isku dayeysa inay ka baxdo Afghanistan – ay weli sii kordheyso.

Waxaa lagu qiyaasay in qiyaastii saddex milyan iyo bar oo reer Afgaanistaan ​​ah ay hadda barakaceen. Isniintii, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan hal bilyan oo doollar lagu yaboohay in lagu taageero Afghanistan.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post