1449 Views

War deg deg ah: Qax ka bilaawday magaalada Muqdisho iyo Ciidamada Dowlada oo soo buux dhaafiyay Xerada Caga dhiig. iyo xaafada shantageed

War deg deg ah: Qax ka bilaawday magaalada Muqdisho iyo Ciidamada Dowlada oo soo buux dhaafiyay Xerada Caga dhiig. iyo xaafada shantageed
____________________________________________________________________________

.

April 27-2021

Waxaa Qax xoogan oo ah kii ugu deg deg babnaa goor dhawayd ka bilaawday Degmooyinka warta Nabada, Hodon iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada oo wata gaadiid dagaal ay soo buux dhaafiyeen afaafka hore ee Xerada caga dhiig iyo xaafada Ceeley, waxayna dadka Deegaanka u sheegeen in ay meesha ka guuraan.

Arintaan ayaa timid kadib Markii Dowlada waqtigeeda dhamaday ay diiday in ay Xukunka ka dagto, waxaana Ciidamada Jeneraal indha cade ay xalay waqti danbe gaareen xaafada siigaale ayaga oo isku fidiyay agagarka Madaxtooyada

Ciidamadan oo soo gaaray Xerada cagadhiig ayaa dadka u sheegay in ay ka guuraan halkaas, dadka Dagan xaafada shantageed ayaa bilaabay in ay ka qaxaan goobta si aan loogu dul dagaalamin.

Sidoo kale faadumo oo ka mid ah dadka dagan xaafada shanta geed ayaa u sheegtay Bogan in ay soo dul dageen Ciidamada Dowlada, Waxayna sheegtay in ay hada u qaxaysoDegmada Kax shiiqaaleed si an u badbaadiso Nafteeda iyo Nafta Caruurteeda.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post