555 Views

Jarmalka oo ka walaacsan in gaaskii Ruushku ka jaraty uu soo laaban waayo

Jarmalka oo ka walaacsan in gaaskii Ruushku ka jaraty uu soo laaban waayo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Sahayda gaaska dabiiciga ah ee Ruushku u siinayay Jarmalka iyada oo la sii marayo dhuumaha badda Baltic Nord Stream 1 ayaa la hakiyay 10 maalmood shaqada dayactirka sanadlaha ah.

Balse wasiirka dhaqaalaha ee Jarmalka Robert Habeck ayaa ka digay in wadamada Midowga Yurub ay tahay in ay u diyaar garoobaan haddii shixnadaha gaaska aysan dib u bilaaban.

Waxa uu ku eedeeyay Kremlin-ka in ay “hub ahaan u adeegsatay gaaska” iyaga oo ka jawaabaya cunaqabataynta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine.

Mr Habeck waxa uu qirtay in Jarmalku uu aad ugu tiirsanaa gaaska Ruushka.

Waxa uu ku tilmaamay in uu yahay qalad siyaasadeed oo aad u weyn sida maanta muuqata, kaas oo aan isku dayeyno in aan ku saxno sida ugu dhaqsaha badan ee aan awoodno.

Wuxuu sheegay in laba goobood oo loogu talagalay keenista gaaska dabiiciga ah (LNG) ay diyaar noqon doonaan dhamaadka sanadka.

Bartamihii Juun shirkadda gaaska dawladda ee Ruushka Gazprom ayaa jaray gaaska dhex mara Nord Stream 1 ilaa 40% oo keliya awoodda dhuumaha. Waxay ku eedaysay dib u dhaca ku yimid soo celinta qalabkii ay ku adeegaysay shirkadda Siemens Energy ee Jarmalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post