1800 Views

Hantidhoraha Qaranka “Wax badan ayaan ka qabtay arrimaha musuq maasuqa”

Hantidhoraha Qaranka “Wax badan ayaan ka qabtay arrimaha musuq maasuqa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 7, 2018 – Kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka oo lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mus’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Senitor Cabdi Dhuxuloow Dhag-dheer oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Xidhibaanad Sahra Cabdulqaadir oo Xubin ka tirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Guuleed Ceyduruus Cige oo hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cumar Faarax, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayeyaasha Joogtada, Maxamed Cadceed Cali oo ah agaasimaha Daladda Bulshada Reyidka ee SOSCENSA iyo martishar kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo horreyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxay Qorshaha ay ku shaqeyn doonaan  3-da sano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka aheyd ee uu xafiiska joogay.

Mudane Afgooye ayaa xusay in xafiisku uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waa weyn oo ka tirsan dowladda, sida talisyada NISA iyo Xoogga dalka Soomaliyeed.

“Masuuliyadda Xafiiskan saaran waxa ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Sadaxaad oo ah baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noo soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taas oo aan u saxno sidii loogu talagalay”. Ayuu yiri Mudane Afgooye.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in ay sanadkaan ku guuleysteen qorshaha isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga, ayna baaris iyo dabagal buuxa ku sameeyeen hay’adaha rayedka iyo kuwa ciidanka, taas oo suuragalisay in la saxo nidaamka maaliyadda iyo dakhli uruurinta, islamarkaana Xafiiska hantidhowrka qaranku uu qeyb weyn ka qaatay qorshaha qaran ee la dagaalanka Musuq Maasuqa .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda.

Xafiiska hantidhowrka Qaranka Soomaaliya oo la aas aasay sanadku markuu ahaa 1960-kii, waxaana la dhihi karaa sanadkaan wuxuu xafiisku qabtay howlo muhiim ah oo ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ka dalbanayay in la xisaabiyo hay’adaha dowladda si meesha looga saaro eedeeymaha la xiriira In si qaldan loo maamulo daqliyada kaladuwan ee soogala dowladda Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment