594 Views

Hoobiyayaasha lagu garaacay Muqdisho xilli maanta lagu wado caleema saarka madaxweynaha

Hoobiyayaasha lagu garaacay Muqdisho xilli maanta lagu wado caleema saarka madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 9, 2022

 Waxaa hoobiyayaal lagu garaacay magaalada Muqdisho xilli maanta lagu wado in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya lagu caleema saaro magaaladaasi. Booliska Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay bandow ku soo rogayaan qeyba kamid ah caasimadda si loo sugo amniga guud ee magaalada iyo tan xafladda caleemasaarkaba, iyadoo arrintaas la fulinayana waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada, iyadoo la hakiyay dhammaan gaadiidka dadweynaha. Warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in dad ay waxyello ka soo gaartay weerka hoobiyeyaasha loo adeegsaday.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in mid ka mid ah hoobiyaasha ay ku dhecay guri qoys ay degan-yihiin. Dhacdadaan ayaa sidoo kale ku soo aadeeyso xilli Magaalada Muqdisho, ay maalmahaan kusii qul qulayay madaxda iyo wufuudda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa baraha bulshada ku wadaagayay walaac iyo cabsi ay ka muujinayeen dhawaqa hoobiyaasha ee laga maqlayay magaalada.

Weerarada hoobiyeyaasha ayaa inta badan caan ka ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada madaxda Muqdisho kuwaas oo lagu bartilmaameedsado goobaha muhiimka ah ee dowladda oo Illaa shan hoobiye ayaa dabayaaqadii bishii April ee 2021 lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafado ku dhaw dhaw.

Office Nairobi Kenya

\Off

Office  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post