1005 Views

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan oo sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan oo sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban
____________________________________________________________________________


Jimco: September 24, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan Shah Maxamuud Qureshi ayaa sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban isla markaana xiriir lala sameeyo xukunkooda cusub.

Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka The Associated Press ee AP ayuu wasiirku ku sheegay in Pakistan macaal la yeelanayso maamulka curdunka ah ee Afghanistan ka jira.

Pakistan ayaa caalamka u soo jeedisay in la sameeyo qorshe waddada u xaaraya in Taliban hesho aqoonsi diblomaasiyadeed haddii ay ka soo baxdo shuruudaha loo dhigay ama laga doonayo.

Wasiirka oo ka qeybgalay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dalkiisa uu cayaari doono door muhiim ah oo ku aadan xaaladda Afghanistan.

Waxaa uu xusay in xukuumadda Afghanistan u baahan tahay dhiirigelin sida horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ka soo kabashada dagaaladii todobaanka sano ka socday dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post