2556 Views

Xildhibaan Sacdiyo “Dhibaatada dalka ka Jirta Farmaajo ayaa Mas’uul ka ah”

Xildhibaan Sacdiyo “Dhibaatada dalka ka Jirta Farmaajo ayaa Mas’uul ka ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2018 – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Khudbad ka jeedinaayay xarunta Golaha Shacabka ayaa markale dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilantay Ammaanka, taasina ay waxyeelo badan u geysan doonto bulshadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdicasis Cilmi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa yiri” Waxaa wax laga xishoodo ah in qaraxii weynaa ee 14 Octobar cid loo soo qabtay iyo cid isku casishay jirin”.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni uusan dalka ka jirin oo ay fashilantay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

“Amni ma jiro Xukuumaddana meel walba wey ku fashilantay” ayuu yiri Markale xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Fataax Daahir Ismaaciil  ayaa dhankiisa sheegay “Dowlada Farmaajo waxaa ay siyaasiinta ku caburisaa in dhaqaalo dowlada lagu duminayo ee dalka Keenaa, Waxaana ognahay in dowladdan aysan Ku imaan Quraan laakin ay lacag ku timid”

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeysay in uusan fulin lamihii la galay” Farmaajo ayaan dooranay, mana ka helin dalka waxyaabihii uu balan qaaday, dhibaatada dalka ka Jirta Farmaajo ayaa Mas’uul ka ah”

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment