2163 Views

Golaha Amaanka ee Q.M. oo ka hadlay arimo badan oo quseeya Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Q.M. oo ka hadlay arimo badan oo quseeya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 08, 2018 — Golaha Amaanka ee QM ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay uga hadleen Xaaladda Soomaaliya, Horumadda Dowalddu ay sameeysay, Colaadda u dhxeeysa Somaliland iyo punt land, Amaanka, Qorshaha kala guurka iyo Xiriirka Dowladda faderalka iyo maamul goboleedyadda .

Waxayna codkooda ku biiriyeen baaqa ah in la joojiyo dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo puntland ee ka socda deegaanka Tuko raq iyagoo dhinacyadda ugu baqay in ay cadaawadda qaboojiyaan, ayna ogolaadaan dhaq-dhaqaaq xor ah ee Banii-aadanimada.

Goluhu waxay soo dhaweeyeen Isbadaladda Amaan, Dhaqaalaha iyo Siyaasada ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay doorashaddii nabadda ku dhamaatay ee Guidoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Si weeyn ayey Golaha Amaanka ee QM u eegeen Qatarta ka imaaneeysa Al-shabaab, waxayna mar kale ku celiyeen taageeradooda Amaan dhameeystiran ee Dowladda Soomaaliya.

15 ka Xubnood ee Golaha amaanka ee QM waxaa ay soo dhaweeyeen horumarka xaaladaha ku saleeysan qorshaha kala guurka iyadoo la beegsanayo waqtigii loo qabtay in Ciidamadda Midowga Africa ay masuuliyadda Amaanka ku wareejiyan Ciidamadda Qaranka Soomaaliya.

Waxay mar kale ku celiyeen muhiimadda ay ledahay in la dedejiyo fulinta Qorshaha amniga Qaranka taas oo aasaas u ah Qorshaha kala guurka, iyagoo ku booriyay Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ay muhiimadda siiyaan Dadaaladda Amniga.

Golaha ayaa Walac ka muujiyay sii socoshadda Khatarta Macluusha iyo saameeynta Daadadkii dhawaan wadanka ku dhuftay, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda aty leedahay taageero calami ah oo lagu dhisayo Adkeeysiga mudada dheer.

Dhianaca Siyaasadda golohu waxaa ay soo dhaweeyeen kulankii heerkiisu sareeyay ee madaxda Dowladda faderalka ah iyo kuwa maamul goboledyadda ay ku yeesheen Magaaladda Baydhaba 3 illa 5 tii Bishaan.

Golaha Amaanka ee QM waxay hubiyeen xushmadooda madaxnabaanidda Soomaaliya, midnimadeeda dhuleed, madaxbanaanidda siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee QM waxay xuseen walaacooda ku aadan cadaadiska maxaliga ah iyo midka banaanka ah ee Qatar galinaya midnimadda Soomaaliya, waxayna dhiiri galiyeen in laga shaqeeyo ka hor tagga saameeynta Xasaradaha Gobolka ee Soomaaliya ku faafay iyo baahida loo qabo in saaxiibadda Soomaaliya ay taageeraan Nidaamka Faderalka ah ee Soomaaliya iyo heey’adaheeda.

Ka qaybbgalka Hawenka e Siyaasadda ay sidoo kale goluhu ka hadleen, waxayna ugu baaqeen Maamul goboleedyadda iyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya in ay kordhiyan awoodsiinta dumarka iyop ka qayb galkooda Siyaasadda.

Golohu waxay xuseen in Shirka Madasha iskaashiga Soomaliya uu ka dhici doono magaaladda Brussels 25 iyo 26 ka Bishaan, iyagoo in ay kasoo bixi doonaan isbadallo amaan, dhaqaale iyo Siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment