582 Views

Dagaalka u dhaxeeyo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Dagaalka u dhaxeeyo  Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.
____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021

 Dagaalka ayaa waxaa uu Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Salshigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiib, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhintay hal Askari oo katirsan Ciidanka dowladda halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ku sugnaa Saldhiga la weeraray sida ay sheegeen dadka degaanka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, waxaana Saldhiga Ciidamada ee degaanka Sabiib dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post