957 Views

RW kuxigeenka oo ku baaqay dardar-gelinta wadahadallada Somaliland

RW kuxigeenka oo ku baaqay dardar-gelinta wadahadallada Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in aragtida ah midnimada iyo kala taga ay ku kala fikir duwan yihiin dadka kasoo jeeda deegaannada Soomaaliland.

 

Waxaa uu sheegay in dunida ay aqoonsan tahay Soomaaliya oo kaliya, hayeeshee Soomaaliland mudo 30 sano ah ay raadineyso inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale laakin aysan jirin ilaa iyo hadda guul ay ka gaareen u jeedkooda.

 

 

 

Waxaa uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka in la dardar-geliyo wadahadallada Dowladda Federaalka & Soomaaliland,isla markaana Guddigii dhab u heshiisiinta ee uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo ay howshooda qabsadaaan lana qanciyo Soomaaliland.

 

Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaan qabsoomin sanadihii u dambeeyay, waxaana tira ka dhowr jeer fashilmay wadahadallo la doonayay inay dhexmaraan,waxaana madaxda Soomaaliland ay Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen inay kasoo horjeedaan wadahadallada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment