1362 Views

Dadka ku dhintay Daadadka Suudaan oo kordhay

Dadka ku dhintay Daadadka Suudaan oo kordhay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 24 2020
—Tirada dhimashada dalka Suudaan ayaa maraysa 124 ruux ka dib markii daadad halakeeyeen dalkaas, sida wasaaradda arrimaha gudaha maanta oo khamiis ah shaacisay.

In ka badan 100,000 oo guri ayaa gebi ahaan roobabku maasheeyeen.

Horaantii bishan wasaaradda difaaca Suudaan ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo sadex bilood socon doonta ka dib markii dalka ku habsatay musiibo rabaani ah.

Guddiga gurmadka deg dega ah ee dalka Suudaan waxaa la go’aamiyay in ay la kulmaan golaha sare ee dalkaas oo uu hogaamiyo Cabditaax Burhan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post