279 Views

Puntland oo maalmaha shaqada ka dhigtey 5 maalmood, sabtida oo maalin fasax ah noqotay.

Puntland oo maalmaha shaqada ka dhigtey 5 maalmood, sabtida oo maalin fasax ah noqotay.
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Dowladda Puntland ayaa isbeddel ku samaysey maalmaha shaqada oo markii hore ahaa 6 maalmood, waxaana laga dhigey 5 maalmood oo keliya, iyada oo maalinta khamistu noqoneyso maalin shaqo oo rasmi ah, halka maalinta sabtida laga dhigey fasax, iyo jimacaha oo horey fasax u ahayd.

Dhanka kale waxaa la dheereyey saacadaha shaqada oo laga dhigey 8 subaxnimo ilaa 4 galabnimo, halka markii hore ay ahayd 8 subaxnimimo ilaa salaada duhur.

Arrintan ayaa muhimad gaar ah u leh shaqaalaha rayidka ah marka laga reebo kuwa ka shaqeeya goobaha la doonaayo in ay shaqeeyaan xili kasta sida garoomada diyaaradaha, dekadaha, isbitaalada iyo goobaha kale ee adeegyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, soojeedinta iyo ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista sanduuqa horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka isku xirka iyo hay’adaha dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah golaha wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

Axmed Maxamed Yusuf oo kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa Horseed Media u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xiliga shaqada lagu soo koobo shan maalmood oo keliya, sabti iyo khamiis waxba kuma kala duwana, sabti ayaana wanaagsan oo caalamka oo dhan qaatey ayuu yiri.

Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.

Xiliga shaqada ayaa horey u ahaan jirey shan maalmood iyo gelinka hore ee khamiista taas oo culeys ku ahayd shaqaalaha aan helin fasax ku filan.

Wax ka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee shaqaalaha rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post