489 Views

Dowladda Somalia Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Celisay Tahriibayaal Ku Xirnaa Liibiya

Dowladda Somalia Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Celisay Tahriibayaal Ku Xirnaa Liibiya
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 12, 2022

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro farabadan oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhallinyarada tahriibayaasha ah ee dib loo soo celiyay ayaa waxaa ay tirro ahaan gaarayaan 94 qof oo 5 kamid ah ay yihiin haween, kuwaasi oo dhowr sano ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

=-Tahriibayaasha ayaa diyaaradda sidday waxaa ay waaberigii hore ee saakay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Qaar kamid ah dhallinyaradi soo noqday maanta oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo u mahadceliyey Madaxda dowladda Federaalka, sidoo kalena  ka sheekeeyay dhibaatadii ay lasoo kulmeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa oo kale oo tahriibayaal ah, kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ugashay sidii ay

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post