933 Views

Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla Bu’aalle ku dilay shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo midna ay Gowraceen.

Al-Shabaab oo  fagaare ku yaalla Bu’aalle ku dilay  shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo midna ay Gowraceen.
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya Jubbada Dhexe  ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay fagaare ku yaalla magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ay  ku dileen shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo oo iyaga ka dhan ah.

Al-Shabaab waxay sheegeen in raggaan ay ahaayeen shabakad isku xiran oo la shaqeyneysay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo caalami ah.

Dilal iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda ayaa lagu eedeeyey inay masuul ka ahaayeen shanta nin ee lagu dilay fagaaraha Bu’aale.

Al-Shabaab waxay sheegeen in shabakabadaas uu hoggaamiye u ahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo isaga ay gowrac ku dileen, halka afarta kale mid mid loo toogtay.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sidoo kale Afarta nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali..

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post