642 Views

Roob xoogan oo ka da’ay Hargeysa iyo khasaaro ka dhashay

Roob xoogan oo ka da’ay Hargeysa iyo khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Xalay Waxaa roob xoogan uu ka da’ay guud ahaan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomalilnad, waxaana roobka ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.

Ciidanka Caasimadda Hargeysa gar ahaan kuwa dam-demiska ayaa xlaay sameeyay howlgallo dad & hanta farabadan lagu badbaadiyay kadib markii roobka uu noqday mid biyo badan wata.

Hoos Ka Akhriso Warbixin kasoo baxday Ciidanka dam-demiska Soomaaliya oo ku saabsan howlgalka ay ku badbaadiyeen hantida iyo dadka faraha badan ee Biyuhu qaadi rabeem.

1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaarsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaari oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas.

3-Dagmada Gacan_Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaari Lancruiser ah.

Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas.

5.Laba gaari oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe.

Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen.

Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas.

Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demiska Smaliland ayaa ugu baaqay bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post