1095 Views

Lacagta ku baxday dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Washington oo la shaaciyay

Lacagta ku baxday dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Washington oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaqaallaha ku baxday dhismaha Safaarada cusub ee dowladda Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Washinton.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay lacag dhan Afar Milyan iyo Saddex boqol oo dollar in ay ku baxday dhismaha Safaaradda.

 

 

Lacagtaan ayuu sheegay in Sanadyadii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay aruurin ugu jirtay,islamarkaana lacagta ay bixisay Wasaarada Maaliyadda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xalay xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment