1014 Views

RW Rooble oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

RW Rooble oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 16, 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa waxaa looga Arrinsanayay u diyaar garoowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Guddiga doorashoohinka Maamulka doorashada Gobolada Waqooyi ay ka dalbadeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed oo maalmihii la soo dhaafay qeyb ka ahaa kulamada siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, sidoo kalena ka qeyb qaatay xal ka gaaristii khilaafkii u dhaxeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post