1443 Views

Baaritaanka Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji Oo La Xanibay

Baaritaanka Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji Oo La Xanibay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 8, 2019 –Sacuudi Carabiya ayaa si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday awooddii Turkiga uu ku baari lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.

Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay wariyaha.

Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.

59-jirkan ayaa waxa uu caan ku ahaa dhaleecaynta Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Sarakiisha Mareykanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sheegeen in howlgalka noocaas oo kale ah uu u baahnaa inuu ansixiyo Amiirka.

Hasayeeshee saraakiisha Sucuudiga ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in ninkaasi ay dileen koox aan “damiir lahayn” oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga oo aanan ku socon amarka Amiir Maxamed.

Xukuumadda dalkaasi ayaa waxa ay maxkamad soo taagtay 11 qof waxaana ay doonaysaa in shan ka mid ah la dilo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay diiday in ay Turkiga u gacangaliso muwaadiniinteeda kaddib markii dalku uu dhowr sarkaal oo Sucuudi ah u jaray warqadihii lagu soo xiri lahaa.

XIGASHO BBC SOMALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment