1494 Views

Duqdisho oo ka hadlay Wadooyinka Biyaha xireen Amarna soo saaray

Duqdisho oo ka hadlay Wadooyinka Biyaha xireen Amarna soo saaray
____________________________________________________________________________

Duqdisho oo ka hadlay Wadooyinka Biyaha xireen Amarna soo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  kormeer ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wadooyinka waa weyn ee dhex mara Caasimadda xilli lagu guda jiro Maalintii 3aad ee Ciidul Adxa isla markaana Magaalada ay ka da’ayaan roobab xagaa ah.
Duqa Muqdisho ayaa u kuur galay goobaha Roobabka xagaaga uu biyo dhigay iyo bulaacadaha qaada biyaha, waxaa uuna faray Agaasinka Bulaacadaha & Agaasinka guud ee Bilicda iyo Nadaafada in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista iyo Nadaafada Caasimadda Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ayay roobab xagaa ah iyadoona Waaxyaha kala gedisan ee Maamulka Gobolka Banaadir ku Mashquulsan yihiin sidii Bilicda iyo Biyaha Roobka uu dhigay Magaalada wax looga qaban lahaa.
Dhinaca kale waxaa jira cabasho ay muujinayaan Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho, sida kuwa dadweynaha iyo Bajaajleyda, kuwaas oo sheegay in wadooyinkii ay mari lahaayeen ay Biyo buux dhaafiyeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post