630 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay  magaalada Abu Dhabi
____________________________________________________________________________

 Khamiis: May 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post