663 Views

Ciidamada koonfur galbeed oo Howlgalo ka sameeyay degmada Diinsoor

Ciidamada koonfur galbeed oo Howlgalo ka sameeyay degmada Diinsoor
____________________________________________________________________________

Axad August 8, 2021

Ciidamada Millateriga Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka koonfur galbeed ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay saacadihii la soo dhaafay kas ameeyeen degaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa Ciidamada waxaa ay ku tageen tuulooyin u dhow degmada Diinsoor, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid degaannadaas looga saaarayay Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

“Wwaxaan sameynay howlgallo lagu safeynayo kooxaha nabad-diidka ah oo dagaal furan kula jira dowlada Soomaaliya,Howlgalkaan ayaa ahaa mid aad muhiim u ahaa kaasoo aan ku tagnay tuulooyin hoos yimaada degmada Diinsoor waxaana cagta lasoo mariyey fariisimayaal badan oo shabaabku lahaayeen ayuu iri” Gudoomiyaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weerar kusoo qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post