1005 Views

Madaxweyne Trump oo qaaday Tallaabo Cusub

Madaxweyne Trump oo qaaday Tallaabo Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Orlando ee gobolka Florida ka bilaabay ololihiisii doorashada ee tartanka 2020ka. Madaxweynaha ayaa ka hor hadlay boqolaal dad oo goob fagaare ah isku soo baxay.

Madaxweyne Trump ayaa la tartami doona tartamihii ka soo dhex baxa tiro labaatan kor u dhaafaysa oo xisbiga Dimoqraadiga ka socda.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya in ra’yi uruurin la sameeyey ay muujinayso in gobolada qaarkood madaxweynaha lagaga horeeyo.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Madaxweyne Trump uu Eryay qaar ka mid ah xubnihii Ol olihiisa doorashada Sanadkii 2016, kadib markii ay sheegeen sir ku saabsan in taageerayaal uu ku lahaa Magaalooyin ka mid ah dalkaasi ay gacantiisa ka baxeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment