501 Views

Qaraxyo oo ka dhacay afar goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya

Qaraxyo oo  ka dhacay afar goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29 2022

Qaraxyo ayaa ka dhacay afar goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen,

Tani ayaa muujinaysa in ammaanka gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya uu sii xumaanaya.

Sida ay sheegtay afhayeenka booliiska,qaraxyada lala bartilmaameedsaday goobo “istaraatiiji” oo ah gudaha magaalada, xarunta u ah gobolka, waxaana loola dan lahaa in lagu ‘argagixiyo shacabka’.

Ma aysan shaacin in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxay xaqiijisay in lix qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi kadambeyeen ay gacanta lagu soo dhigay.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in xaalada magaalada ay maanta deggeneyd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post