1230 Views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre oo dalka ka dhoofay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre oo dalka ka dhoofay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta oo Axad ah safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Magaalada muqdisho, tan iyo markii Golaha Shacabka ay codka kalsoonida kala laabteen 25-kii Bishii July ee sanadkaan.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan safarka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu safaro kala duwan uu ku tegi doono qaar kamid ah wadamada Bariga Afrika kuna hormari doono dalka jabuuti ,si uu u dardar geliyo ololihiisa doorashada.

12-kii Bishii Setember e sanadkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saddex sano iyo barkii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka,waxaa xukuumadiisa lagu eedeeynayay waxyaabo kala duwan halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin inay wax badan qabatay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post