1026 Views

James Swan oo la kulmay Wasiirka Haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim

James Swan oo la kulmay  Wasiirka Haweenka  Xaniifa Maxamed Ibraahim
____________________________________________________________________________

June 9 2021

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan aaladda fogaan aragga ah la qaatay Wasiirka Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ka mid ah xaaladda dalka iyo doorka Wasaaradda ee horumarinta Haweenka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo qorshe cad oo lagu gaarayo qoondada 30% ee ah haweenka doorashooyinka soo socda iyo in la hubiyo ka qeybgalka buuxa ee haweenka inta lagu gudajiro doorashada,

Mr James Swan ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto doorashooyin loo dhanyahay oo ka dhaca Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya  Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay dadaal badan ku bixisay la kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyin kale oo ay kala hadashay in la adkeeyo qoondada haweenka 30% inay ku yeeshaan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post