942 Views

Xal loo raadinayo muran ka dhex-jira hoggaanka Dhalinyarada Jubbaland

Xal loo raadinayo muran ka dhex-jira hoggaanka Dhalinyarada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa masuuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada ka dhagaystay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshahooda Sanadka 2020 iyadoo ay wax qabadka ay Wasaaradu soo bandhigtay ay kamid yihiin.

 

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa Axmed Madoobe waxaa ay u gudbiyeen qodobo la xiriirey waxyaabah u qabsoomey iyo qorsha ay wadaan oo la filayo in Wasaaradda fuliso.

  • Wasaaradu waxay shaqo abuur u sameysey dhalinyaro gaaraysa 3912 oo iskugu jira gabdho iyo wiilal.

 

 

 

  • 3000 oo kamid ah Waxaa la siiyey maaalgelin 280 oo kamid ahna waxaa labaray dhismaha guryahay iyo Computerada

 

  • 150 Waxaa la barey Tolliinka dharka, Faryaamada iyo Makaanikada Baabuurta
  • 112 waxaa la baray sida cadceeda dabka looga dhaliyo

 

  • 30 waxaa la baray sida kheyraadka badda looga faaiideysto

 

  • Sameynta nidaam lagu keydiyo xogta dhaliyarada ka faaiideysay mashaariicda si loo diiwaangeliyo loona yareeyo soo noqnoqashada .

 

  • In dabagal lagu sameeyo xirafadihii lagu tababarey
  • In waxbarasho dheeraad ah loo sameeyo

 

  • Sare u qaadida lahaanshaha dhalinyarada

 

  • Dhismaha golayaasha dhalinyarada degmooyinka
  • Kismayo, Garbahaarey iyo Doolow la dhameeyey, iyo Afmadow iyo Baardheere haduu socdaa

 

  • Hirgelinta siyaasadda Dhalinyarada
  • Hirgelinta xarumaha hormarinta dhalinyarada sida:-
  • Xarunta dhalinyarada Inji
  • Xarunta dhalinyarada D.garbahaarey
  • Xarunta Dhalinyarada D.Luuq
  • Xarunta Dhalinyarad D.Afmadow

 

Waaxda Ciyaaraha

 

  • Dhismaha Xiriirka Kubada cagta
  • Dhismaha Xiriirka kubada koleyga
  • Dhismaha Xiriirka ciyaaraha fudud

 

  • Dayactirka garoomada ciyaaraha dhalinyarada sida :-
  • Garoonka kubada koleyga Calanley
  • Garoonka kubada cagta Baardheere
  • Garoonka kubada koleyga Shaqaalaha

 

  • Qabsoomida ciyaaraha dugsiga saree e degmada Kismaayo 16 dugsi
  • Qabsoomida ciyaaraha dugsiga dhexe ee degmada Kismaayo 8 dugsi
  • Qabsoomida ciyaaraha kubada koleyga gabdhaha
  • Qabsoomida ciyaaraha safarka nabada

 

Qorshaha Wasaarada ee Sanadka soo socda waxaa kamid ah.

 

  • Shaqo abuurka xirfad siinta dhalinyarada ku aadan ka faaideysiga kheyraadka dalka
  • Hirgelinta xarunta hal abuurka dhalinyarada
  • Dayactirka lagu sameeyo garoonka kubada cagta Waamo ee magaalada Kismaayo
  • Hagaajinta iyo sameynta garoomo u gooni ah gabdhaha kubada koleyga
  • Daadejinta Howlaha wasaarada gobol ilaa tuulo.
  • Dhismaha xafiisyada maamulka kubada koleyga
  • Dhismaha golaha dhalinyarada ee deegaanada jubbaland dhamaan

 

Kulanka Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Wasaarada ee isla Xisaabtanka ah Waxaa kasoo baxay in Wasaaaradu ay xal ka gaarto muranada dhalinyarada iyo Ciyaaraha sidoo kalana sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto Doorashooyinka Xiriirka iyo Mida dhalinyarada iyadoo madax banaan oo xor ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment