1212 Views

Soomaaliland oo sheegtay in la qabtay maleeshiyaad dad ku dilay Ceel-Afweyn

Soomaaliland oo sheegtay in la qabtay maleeshiyaad dad ku dilay Ceel-Afweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 13, 2019 —Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa marka hore u tacsiyadeeyay ehelada 7-dii ruux oo afar ka mid ah ay haween ahaayeen,kuwaas oo lagu dilay deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka in qaar ka mid ah dadkii dilkaasi geystay ay  Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen halka qaar kale dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, la daba jiro intii kale,misla markaana uu socda hawl-gal lagu baadi goobayo,waxaana uu ka dalbaday Ehelada dadkaas inay is dejiyaan.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaayo ayuu yiri Seylici.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa  waxa uu amrayaa ciidamada amaanka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusoo lab laabtay dagaalada u dhaxeeya beelaha,waxaana dadkii shalay lagu dilay deegaankaas la sheegay inay la xiriirto aanooyin qabiil iyo dilal horay u dhacay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment