1038 Views

UNICEF” 2.6 milyan oo qof oo wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”

UNICEF” 2.6 milyan oo qof oo  wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”
____________________________________________________________________________


Sabti: December 11, 2021

Sanduuqa badbaadada caruurta ee Qaramada Midoobay ee (UNICEF), ayaa Jimcihii ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo Biyo la’aanta iyo abaaraha xoogan ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan sababo la xiriira xaalado abaareed oo daran oo ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay UNICEF.

“Biyo la’aanta iyo xaaladaha abaareed ayaa sabab u ahaa kororka qiimaha biyaha taasoo keentay barakac, ay ka dhasheen cudurrada shubanka iyo nafaqo darro ka taagan qaybo badan oo Soomaaliya ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobollada sida ba’an ay u saameysay abaaraha xilligan ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug , qeybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay  in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool 66 degmo ay u baahan yihiin biyo degdeg ah.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada Fayadhowrka iyo Nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba ” sida ay sheegtay UNICEF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post