1014 Views

Wareegga kooxaha ee tartanka Kubadda gacanta oo la soo gabo gabeeyay

Wareegga kooxaha ee tartanka Kubadda gacanta oo la soo gabo gabeeyay
____________________________________________________________________________

Talaado: October 19, 2021

 Tartanka kubbadda Gacanta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2021 ayaa maanta Wareegga kooxaha lasoo gabagabeeyay.

Cayaartooyda Degmada Kaaraan ayaa 31-24 uga badisay dhigoodq Deegaank Daarusalaam oo ay garoonka Wiish ku qaateen kulanki 38-aad ee tartanka kubbadda Gacanta degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021.

Laacibka kulanka ayaa waxaa loo aqoonsaday ciyaaryahanka no-13 ee deegaanka Daarusalaam Cumar Maxamed Maxamuud.

Dhanka kale cayaartooyda Degmada Deyniile ayaa 31-10 uga badisay cayaartooyda degmada Yaaqshiid .

Cabdisalaan Cadde Muuse oo No-6 u qaata Yaaqshiid ayaa loo aqoonsaday ciyaaryahanka kulanka, waxaana sidaasi ku soo idlaaday wareegga kooxaha ee tartanka , waxaana wareegga 8-aad u soo baxay.

Wareegga 8-aad oo Jimcaha bilaaban doona ayaa waxay degmooyinka isugu aadeen sidan.

Hodon vs Dharkeenleey
Cabdicasiis vs Deyniile
Shibis vs Shingaani
Kaaraan iyo Warta Nabadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post