804 Views

Al-shabaab oo Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, Qarax Qasaare gaystay kula eegatay ciidamo ka tirsan Kenya

Al-shabaab oo Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, Qarax Qasaare gaystay kula eegatay ciidamo ka tirsan Kenya
____________________________________________________________________________


isniin: September 27, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, ayaa sheegaya in halkaas qarax culus lagula eegtay ciidamo ka tirsan Kenya.

Qaraxa oo lagu tilmaamay miino dhulka la sii geliyay ,ayaa qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kayunga iyo Shangani  ee Gobolka Lamu

Wararku waxay sheegayan, in qaraxaas ay ku dhinteen in ka badan 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, balse dowladda Kenya weli kama hadlin dhacdadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post