1488 Views

Xildhibaan Fiqi “Shacabku Waa In Ay Ogaadaan Cidda Dayacday Amniga Hadii Daacadnimo Jirto”

Xildhibaan Fiqi “Shacabku Waa In Ay Ogaadaan Cidda Dayacday Amniga Hadii Daacadnimo Jirto”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay sababtii Maanta warbaahinta loogu diiday inay ka geybgasho Kulankii baaqay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Fiqi ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,isagoona sheegay in si qaldan uu ugu dhawaaqay tirada codadkii loo qaatay Warbaahinta ee ku aadanaa in kulankii Maanta ay dib joog ka noqoneyso iyo in kale.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Xildhibaanka in waxa la hadlaayo ay tahay xaalada amniga ee Dalka,isla markaana loo bahan yahay inay ogaadaan Shacabku cidda dayacday amniga Magaalada Muqdisho hadii daacadnimo jirto.

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku soo aadayaa,iyadoo Maanta uu baaqday kulankii Su’aallaha lagu weeydiin lahaa Mas’uuliyiinta amniga dowladda Soomaaliya,kadib markii khilaaf uu ka dhashay Codadkii loo qaaday Warbaahinta,kaasi oo ahaa in banaanka looga saaro kulanka looga hadi lahaa amniga dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment