1119 Views

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ku dhawaaqday in la Xiro goobaha waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada  Galmudug oo ku dhawaaqday in la Xiro  goobaha waxbarashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Wararka ka imaanaya Galmudug gaar ahaan caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb ayaa sheegaya in Wasaaradda Waxbarashada maamulka Galmudug ay ku dhawaaqday in la xirayo goobaha waxbarashada ee deegaanada maamulkaas, sabab la xariirta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo Arbacada maanta ah ee 10-Maarso illaa 18-ka isla bishan Maarso oo ku beegan maalin Khamiis ah, ay xirnaa doonaan goobaha waxbarashada.

Go’aankan oo la sheegay inuu qayb ka yahay fulinta talooyin ka yimid gudigga loo xil-saaray ka soo tala-bixinta hababka lagu yareyn karo faafitaanka cudurka Covid-19, ayaa lagu amray bahda waxbarashada Galmudug inay u hoggaansamaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post