321 Views

Kenya oo Mudo kadib maanta bilaabeyso Duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya

Kenya oo Mudo kadib maanta bilaabeyso Duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in maanta Kenya ay si rasmi ah u bilaabeyso dhoofinta qaadka Miiraa ee la keenayo Soomaaliya, kadib heshiis rasmi ah oo ay dhowaan labada dal ku gaareen caasimada dalkaas ee Nairobi.

Ganacsatada Qaadka Miiraa ee Kenya oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay ku beegan tahay 24 July ay bilaabayaan dhoofinta qaadka, waxaana la filayaa in diyaaradaha qaadka ay toos uga soo dagaan garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale ganacsatada ayaa u mahadceliyey labada dowladood ee ku heshiiyey dib u fasaxidda qaadka oo muddo xayirnaa, kadib go’aan kasoo baxay dowladdii hore.

Dhinaca kale waxaa weli taagan dood u dhexeyso ganacsada Soomaalida iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in loo diray keenista qaadka dalka Kenya.

Guddiga ganacsatada ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu soo faro geliyo arrintaan oo cabashadoodana uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka KenyaM kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta oo dhowaan ku kulmay magaalada Nairobi, waxaana Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal ee dariska ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post