1911 Views

Wasiirka Waxbarashada oo ka tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay arday dhiganeysay iskuulka Al-Mucaasir

Wasiirka Waxbarashada oo ka tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay arday dhiganeysay iskuulka Al-Mucaasir
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 25, 2021

 Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa booqday iskuulka Al-Mucaasir ee Degmada Hodan iyo Isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyada arday dhiganeysay iskuulka Mucaasir ayaa ka Tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay ardayda iskuulka iyo bulshada Soomaaliyeed ee wax ku noqotay Qarax saakay ka dhacay wadada Taraboonka ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada oo Warbaahinta kula hadlay bur-burka dhismaha Iskuulka Al-mucaasir ayaa cambaareeyay Qaraxii saakay ka dhacay Wadada Tarabuunka kasoo horjeedka iskuulka Banaadir Sare (Almacaarif Iskuul), kaasi oo bur-buriyay dhismaha Iskuulka Al-mucaasir, waxa uuna balan qaaday in ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federalka ee Soomaaliya ka qeyb qaadaneyso dib-u-dhiska iskuulka.

Wasiirka ayaa ka codsaday Hey’addaha Caalamiga ah ee taageera Waxbarashada Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qataan dib u howl gelinta iskuulka si ay ubadkii wax ku baranayay usii wataan Waxbarashadooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post