705 Views

Galmudug oo Shir deg deg ah ka yeelatay weerarkii dadka lagu dilay

Galmudug oo Shir deg deg ah ka yeelatay weerarkii dadka lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Shirka amniga waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hugaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo Amisom

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakiisha waxaa la faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadii dadka Shacabka ah lagu dilay ee ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post