1020 Views

Ciidaada Ruushka oo guul darro la kulmay, askarna laga qabsaday

Ciidaada Ruushka oo guul darro la kulmay, askarna laga qabsaday
____________________________________________________________________________

Sabti: February 26, 2022

Muuqaallo lagu shaaciyay baraha Twitter-ka, TikTok iyo Facebook ayaa muujiyay caddeymo sheegaya in jab loo geystay ciidamada Ruushka ee dagaalka ku galay Ukraine.

Militeriga Ukraine ayaa su’aalo weydiiyay askar ka tirsan ciidanka Ruushka oo ay maxaabiis ahaan u qabteen, halka kuwo kalena ay dhibaatooyin xagga dhimirka ah qabsadeen kaddib markii ay lama filaan ku noqotay in gacanta lagu dhigay.

Qaar ka mid ah askarta la qabtay ayaa sheegay in aysan ka warqabin in loo soo diray Ukraine, naxdin xoog lehna ay kala kulmeen saaxiibbadooda dhintay.

Hal askari oo da’ yar ayaa la arkayay isagoo madaxa jilbaha dhexdooda gashanaya si uu wejigiisa u qariyo, xilli dadka ku hareereysan ay aflagaaddeynayeen madaxweyne Putin.

Askari kale ayaa isagana markii la weydiiyay inuu farriin u dirayo qoyskiisa waxa uu yidhi: “Waan idin jeclahay”.

Militeriga Ruushka ayaa iskacaabbin xoog leh kala kulmay ciidanka Ukraine oo acan ka helaya shacab is xilqaamay oo hubka qaatay.

Dagaalka lagu doonayo in lagu qabsado caasimadda Kyiv ayaa weli socda, madaxweynaha dalkaasna waxa uu sheegay in uu sii wadi doono difaaca.

Office Nairobi ken ya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post