1062 Views

Dagaalkii 11 maalin ee Gaza Israa’iil iyo Xamaa soo guulo ka sheeganaya dagaalkaas

Dagaalkii 11 maalin ee Gaza  Israa’iil iyo Xamaa soo guulo ka  sheeganaya dagaalkaas
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Kaddib xabbad-joojintii ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamaas, Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, oo intii uu dgaaalku socday ku jiray guryahooda iyagoo ka baqaya in la dilo, ayaa haatan u soo baxay dibadda iyaga oo indha indheynaya waxa ay Israa’iil ka geysatay halkaas.

Siyaasiyiinta Israa’iil iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa sheegay in sheegay in waxyeello ba’an ay u geysteen waxa ay ugu yeereen dhismayaasha argagixisada ee ay maamulaan Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa labaduba guulo sheegtay.

Hoggaamiyeyaasha Israa’iil ayaa soo bandhigay dhismayaasha la burburiyay, taliyeyaasha Xamaas iyo dgaaal-yahannada la dilay, iyo guulaga ay ka gaareen burburinta qalabka ka hortaga diyaaradaha.

Xamaas ayaa iyaduna guulaha u aragta inay badqabto. Hoggaamiyaheeda, Yahya Sinwar, oo aan shaashadaha lagu arkin ayaa hadlay maalin kaddib xabbad-joojinta.

Boorarka Xamaas ayaa laga lulayay meel 60 meyl (96km) gudaha u jirta Gaza, oo ah masjidka Al-Aqsa mosque ee Qudus. Xamaas ayaa Falastiiniyiinta u duray farriim ah inay u diyaarsan yihiin dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post